Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa xarunta madaxtooyada ee Nairobi kula kulmay dhiggiisa waddanka Kenya mudane Uhuru Kenyatta.
Labada madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dalka, iskaashiga dhaqaale iyo waliba xaaladda xuduudda u dhaxeysa labada waddan.
Madaxweyne Farmaajo waxaa safarka ku wehliya wasiiro ka tirsan xukuumadda, kuwaas oo kulamo la yeeshay masuuliyiin ka tirsan dowladda Kenya.